DF oo shaacisay in horjooge sare oo Shabaab ah ‘uu wadno istaag u dhintay’ kadib markii uu…

0
59

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsana Zakawaat-ka ee gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay, kadib markii uu orad uga baxso ilahaa ciidamadda xoogga dalka.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Mahad Cagaduub ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada xoogga dalka, kadib howl0gal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Towfiiq oo 15-KM dhanka waqooyi kaga beegan Galcad.

Ninkan oo ku magacownaa Madaxii Zakawaat-ka deegaanada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax, Bud-bud iyo Ceel-raydab, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mahad Cagaduub ayaa markii ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada xoogga dalka, waxaa soo weeraray oo ciidankii soo qaabtay ninkaan kusoo qaaday weerar arbushaad ah koox ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo markaas uu isku dayay inuu ka baxsado gacanta ciidanka.

Dowladda ayaa shaacisay in horjoogahan markii uu ordayay ugu yaraan 3-KM uu wadnuhu istaagay, wuxuuna ku dhintay bartii, iyada oo aysan wax rasaas ah ku dhufan ciidanku.

“Koox ka tirsan argagaxisada naflacaariga ah ayaa weerar arbushaad ah kusoo qaaday ciiidankii soo qabtay xiligaas ayuuna isku dayay in uu baxsado lkn markii uu ugu yaraa 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Ciidamada dowladda ayaa hadda gacanta ku haaya labo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, oo isla howl-galkaasi ay kusoo qabteen.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here