Walaal wixii dhaliil ama fakir ah intaba noogu soo hagaaji cinwaankaan caalamkanews@hotmail.com Nin Soomaali ah oo lagu Dilay Koonfurta Sudan iyo Dhowr kale oo Xabsiyada loo Taxaabay | C A A L A M K A
 
|

Nin Soomaali ah oo lagu Dilay Koonfurta Sudan iyo Dhowr kale oo Xabsiyada loo Taxaabay

Number of View: 230

 

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Jubba ee lagu wado inay xarun u noqoto wadanka cusub ee Koonfurta Sudan waxaa kooxo hubeysan ay habeen hore ku dileen nin ganacsade Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Jubba.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey C/risaaq Cilmi ayaa la sheegay in xilli habeen ah ay dileen rag loo maleynayo inay ciidamada dawlada Koonfurta Sudan ay xiriir la leeyihiin, waxaana sida goob joogayaal ay sheegeen dilkiisa loo adeegsaday toorey sida uu RBC Radio u sheegay Xasan Cabdi oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi Jubba.

Dilka Marxuum C/risaaq Cilmi ayaa u muuqda mid burcdnimo ah, waxaana uu walaac ku abuuray dadka Soomaaida oo beryahan dambe ganacsi ku taga magaalada Jubba.

Dhanka kale, saacadihii la soo dhaafay ayaa ciidamada amaanka ee Koonfurta Sudan waxay xabsiyada dhigeen tobaneeyo ruux oo Soomaali ah kuwaa oo ahaa ganacsato iyo xoogsato ku sugneyd magaalada Jubba.

Xariga dadkan ayaa ku soo beegmay iyadoo Koonfurta Sudan ay ka socoto u diyaargarowga madax banaanid dalkaasi oo lagu wado in lagu dhawaaqo 9-ka bishan July, waxayna booliska Jubba wadaan hawlgalo ay sheegeen in amniga lagu adkeynayo.

Hase yeeshee dadka Soomaalida ee halkaasi ku sugan oo aan tiro badneyn ayaa sheegay in iyaga si gaar ah isha loogu hayo, waxaana marka la xiro Soomaalida lagu siidaayaa lacago aad u badan oo laaluush ah.

Arimahan ayaa ah dhibaato kale oo soo foodsaartay dadka Soomaalida ee ku nool Koonfurta Sudan oo qaarkood halkaasi waxbarasho u jooga, iyadoo aysan jirin cid u dooda ama u soo dhicisa xuquuqdooda maadaama dalkii aysn ka jirin dawlad weyn oo awood leh.

Caalamka

Popularity: 1% [?]

Walaal wixii dhaliil ama fakir ah intaba noogu soo hagaaji cinwaankaan caalamkanews@hotmail.com

Leave a Reply

Copyright © 2011 C A A L A M K A. All rights reserved.