Walaal wixii dhaliil ama fakir ah intaba noogu soo hagaaji cinwaankaan caalamkanews@hotmail.com Dumarka Somaliyed Ee Qaadka Cuna Oo Soo Badanayo+Warbixin | C A A L A M K A
 
|

Dumarka Somaliyed Ee Qaadka Cuna Oo Soo Badanayo+Warbixin

Number of View: 1158

 

Waxaa soo badaneeysa dhibaatoyinka uu leeyahay Qaadka (Jaadka) gaar ahaan Dumarka ku nool geeska Afrika oo wadna qabad ku noqotay reerka ay maamulan dumarka. Warbixin cusub oo ay soo saartay hey'adda gar-gaarka dunida CARE ay sheegtay in qaadku uu yahay ficil ku soo cusboonaday dumarka wadamada geeska Afrika qaasatan dhulka Somalida. Warbixinta wexey si gaar ah u soo qaadatay dumarka Soomaliyed oo 10-kii sano ee ugu dambeesay bilaabay cunista Qaadka iyagoo dumarka lagu yaqiiqnay gadista qaadka lakin CARE ayaa walaac ka muujisay dumarka cunaya qaadka. MAXAA KEENAY IN DUMARKA SOMALIYED AY QAADKA CUNAAN? Ma'ahan wax hore u jiray in dumar somaliyed ay qaadka cunaan ee waa wax cusub oo ku soo kordhay dumarka oo 10-kii sano ugu dambeesay waloow ay jirtay dumar caado ka dhigtay 24 saac iney cunaan qaadka, Sababta keentay in dumarka ay cunaan qaadka ayaa ah iyagoo maalin walba kor fadhiya qaadka taasina wexey keeneysaa Damac uu qofka damci karo inuu qaadka cuno weyna kaga duwan yihiin dumarka cunista qaadka raga kale. HADII DUMARKA QAADKA AY CUNAAN MEXEY LA KULMI KARAAN? Qaadka mar walba oo la cuno dhibaato weyn oo xaga Caafimadka,Garaadka Iyo Dhaqaalaha intuba wuu leeyahay hadii ay ahaan lahayd dumarka iyo raga lakin dumarka dhib weyn ayey kala kulmaan oo ka miisaaniyad badan dhibaatada raga kasoo gaarta qaadka. Dumarka hadii ay cunaan qaadka wexey la kulmayaan xaga Caafimad darida Tusaale: dumarka uurka leh ama tan aan la hayn hadii qaadka ay cunaan mustaqbalka wexey la kulmayaan dhibaato xoog badan oo dhanka ilmaha caloosheda ku jira oo laga yaabo in ay u dhintaan amaba xanuun ka badan midda uurka ay la kulanto. In ay joojiso hoolaha guriga laga rabay ama caruurteeda oo ay iloowdo iyo in maalin walba seeygeda ay la dagaasho taasi oo keeneysa in la furo, In xaga maskaxiyan ah ay u waalato iyo in iyada oo dhan gabigeeda is nacdo oo ay saaxibadeda ka go'do , In ay hilmaamto cibaadada iyo waajibka saarnaa oo maskaxdeeda iloowdo iyo waqti walbo oo isla hadasho taas oo sabab u ah cunista qaadka. Warbixinta qoraalkeeda aad ayuu u badan yahay lakin Caalamka.net oo soo indha indheesay Warbixinta ayey soo qaadatay labada su'aal ee kor ku xun, dumarka Somaliyed waxaa shaki ku jirin iney cunaan qaadka inkastoo tirada cunta ay warbixintu xusin. Nairobi,Kenya TIFAFTIRE Idiris Abdulkadir (Iidi Amiin)




Caalamka

Popularity: 3% [?]

Walaal wixii dhaliil ama fakir ah intaba noogu soo hagaaji cinwaankaan caalamkanews@hotmail.com

Leave a Reply

Copyright © 2011 C A A L A M K A. All rights reserved.